Taageero waalidnimo

Ma tahay waalid ama qof weyn oo booskii waalidka ugu jira canug 0 -18 sano jir ah? Doorkaaga waalidnimada ma u dooneysaa talo iyo taageero?

Adigu ka waalid ahaan muhiim ayaad u tahay canuggaaga horuumarkiisa iyo caafimaadkiisa. In waalid la ahaado waxay badanaa ka dhigantahay farxad iyo welwel labadaba, mararka qaarkoodna waxaa loo baahanyahay macluumaad ama hagitaan ku aaddan doorka waalidnimada. Dhammaan waaliddiintu waxay heli karaan taageero haddii ay leeyihiin carruur u dhexeysa 0 iyo 18 sano.

Dabcan waa adiga ka waalid ahaan cidda sida ugu fiican u garaneysa canuggaaga. Laakiin waxaa ahaan wax fiican in aad ogtihid in aad taageero heli kartid, haddii taa loo baahan lahaa.

Taageero ku aaddan doorka waalidnimadu waxay noqon kartaa in la helo talo iyo hagitaan ku aadan arrimo kala duduwan. Waxay tusaale ahaan ku saabsanaan kartaa

  • xad sameyn
  • carruur iyo intarneet
  • xiriirka canugga lala leeyahay
  • xiriirka lala leeyahay waalidka kale ama dadka kale ee waaweyn
  • cunto iyo caafimaad
  • ruutiinka dugsiga
  • sigaar iyo tubaako, khamri iyo daroogo
  • waxyaabaha xilliga firaaqada la sameeyo

Waxay sidoo kale noqon kartaa in waaliddiinta kale lala kulmo oo lala wadaago fikrado iyo khibrado ku aaddan tarbiyada carruurta iyo doorka waalidka.

Cid kasta oo booski waalidka canug ugu jirta waxay heli kartaa taageero. Tusaale ahaan:

  • Waaliddiin
  • xaaska aabbaha ama ninka hooyada
  • qaraabo dhaw
  • waalidka guriga xannaanada
  • qof lala xiriiro
  • qof kale oo weyn oo xigto ah

Taageeradan ayaad heli kartaa

Koorso waalid oo hoggaamiye wedayo

Koox waalidiin ah oo hogaamin leh.

Sidan uppdaterad 2024-03-25